Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in sida madaxdii xilka uga horeysay haddii uu xilka ka dego aanu ka dhoofi doonin dalka,
balse uu sii joogi doono, isla markaana diyaar u yahay wixii talo ah inuu siiyo dowladda iyo madaxda cusub.
Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Jariirada Asharq Alawsat ee ka soo baxda magaalada London ayaa yiri: “Waxaan nolosheyda oo dhan ku noolaa Soomaaliya, dalka kama tegin xitaa xilliyadii dagaalada sokeeye,caruurteyda oo dhan halkan ayay ku dhasheen, waxna ku barteeen, qaarkood ayaa hadda dibadda waxbarasho u aaday, laakiin aniga haddiiba aan xilka ka tago waxaan joogi doonaa Soomaaliya, mana lihi meel kale oo aan dego, dibada uma socdo, waxaanan qaban doonaa xil kasta oo ii qalma, waxaanan la talin doonaa dowlad kasta oo timaada haddii ay iga codsato…”
Madaxweynaha ayaa wareysiga uga hadlay arrimo badan isagoo sheegay in lixdii tiir ee uu ololaha doorashada ku galay ay wax ka hirgaleen, isla markaana ay harsan yihiin arrimo badan oo ah sababta keentay inuu dib isugu sharxo xilka Madaxweynaha.
Wadani.com