Madaxweynaha dowladda Fedeeraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay dhismaha furitaanka Garoonka Boosaaso oo ku tilmaamay mid Soomaali oo dhan u noqonata hanti ay ku faanto.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaabayay hadal kasoo yeeray siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ahaa in dowlada ay fooshii ku dheeraatay, una baahan tahay in lagu duro Cirbad kululeyso ah, wuxuuna yiri: “25 sano ayaa Irbad kululeyso ah laga daalay oon meel ku gaari weynay, waxaan leeyahay Irbad nooma noqotee aan degdegta iska dhaafno” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isagoo ka hadlayay nidaamka doorasho ee la qaadanayo ayuu caddeeyay in wadatashigu socdo oo markii madaxda ay isu tagaan ay qaadan doonaan talo loo dhan yahay.
Wadani.com