Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jiraa’id oo musaabad la’aan ahaa maanta ku qabtay xafiiskiisaisagoo uga hadlay xaalada dalka, dhibaatooyinka dalka ka jira mowqifka dowladda, wuxuuna si cad u beeniyay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in isku shaandheyn lagu sameynayo golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Arrinta muranka ka taagan Baarlamaanka Jubba ayuu sheegay in dowladu ku dhex jirto, isla markaana xukuumadu dadaal ka wado arrintaasi dhinacyada oo dhamina ay diyaar u yihiin in xal laga gaaro oo ay ku jiraan Baarlamaanka Federaalka iyo Maamulka Jubba.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka oo uu sheegay in horumar badan laga sameeyay, wuxuu ku dheeraaday xaaladda siyaasadda wuxuuna yiri “Ma jirto xukuumad la isku shaandheynayo ama la kala dirayo, wasiirkii xilkiisa gudan waaya waa la bedelayaa, laakiin ma jirto in xukuumad la bedelayo, golaha wasiiradana waan u sheegay shalay markii aan shirkoodii tegay”.
Wuxuu dhinaca kale sheegay in dowladiisu ogtahay dhibaatada ka taagan Shilin Soomaaliga, kuna dadaaleyso tayeynta shilinka Soomaaliga. wuxuu kaloo madaxweynuhu ka qeyliyay wararka lagu faafiyo baraha bulshada iyo website-yada oo dacaayado looga fidiyo nadaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caadiyaan mararka qaarkood qabta shirar jaraa’id oo intooda badan ah khudbad uu jeediyo, isagoo ka hadlaya dhammaan xaaladdaha dalka ka jira.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]