Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Xasan Sheekh: “Markii aan talada dalka qabtey balanqaadkeygii dhab ayuu noqday”

    Madaxweyne Xasan Sheekh: “Markii aan talada dalka qabtey balanqaadkeygii dhab ayuu noqday”

    July 23, 2015Updated:July 23, 20152 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu laga soo saaray xafiiskiisa oo uu ku saxiixnaa Afheyeenka madaxtooyada Da’ud Aweys waxaa lagu soo dhoweeyay qabsashada degmada Baardheere ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dib uga qabsadeen kooxda Alshabab. Waxaa la yaab lahayd in madaxweynaha arrintan ka dhigay mid kamida balanqaadkiisii uu sameeyay xilligii xilka loo dooranayay oo dhab noqday.

    Madaxweyne_Xasan_Sheekh

    WARSAFADEEDKA HOOS KA AKHRI

    Muqdisho, 23 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guusha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, oo ka mid ahayd goobaha yar ee weli ay ku dhuumaleysanaayeen kooxda argagixasada ah ee Al Shabaab.

    “Markii aan talada dalka qabtey, waxaan muhimadda koowaad ka dhigtey hawsha nabad ka aslaaxinta dalka iyo sugidda amniga. Saddex sanno ka hor dad badan ma rumeysneyn in go’aankaasi aanu gaarney uu suurageli karo. Laakiin kuwii fikirkaasi aaminsanaa maanta wax ka duwan ayaa u muuqda, waxaana u caddaatey in balanqaadkeenii uu dhab noqday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in guusha ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen Baardheere ay war wanaagsan u tahay shacabka Soomaaliyeed.

    “Waa in aan marnaba laga shakin go’aanka dowladda. Waxaa laga yaabaa in dagaalka dalka lagu xasilinayo uu noqdo mid adag, laakiin waxaa weli sidii u taagan go’aanka aniga iyo qeybaha kale ee ina taageeraya aanu qaadaney, iyadoo weliba adkeysiga qarankeenu leeyahay uu maalinba maalinta ka sii dambeysa sii xoogeysanayo’’.

    Madaxweynaha ayaa mar kale sheegay in kooxaha xagjirka ah ay weli haystaan fursad ay shacabkooda dhinac uga raacaan.

    “Ma jiro mustaqbal wanaagsan oo laga dhaxlayo xagjirnimada. Weli albaabadeena way u furan yihiin kuwa diyaarka u ah inay dagaalka joojiyaan, ee doonaya inay ku soo biiraan dadaalka dib u dhiska dalka, ee uu shacabku wada taageersan yahay. Hadda ayayna fursaddaasi jirtaa. Mustaqbalka Soomaaliya waxaa uu ku jiraa gacmaheena. Waa inaan ku haminaa danta dalkeena oo ku jirta nabadda iyo amniga oo la sugo’’.

    Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii tacsi u direy qoysaskii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda u hurey u adeegista qarankooda.

    “Aan u wada duceyno geesiyaashii ciidammada ka tirsanaa ee dhintey iyagoo qarankooda u adeegaya. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo eheladii ay ka tageen.”

    -DHAMMAAD-

    Daud Aweis
    Afhayeenka Madaxtooyada
    Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

    [ad name=”HTML-1″]

    Baardheere Madaxweynaha waxqabad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo la geeyay Guriceel iyo Dhuusamareeb
    Next Article Liiska madaxda ka qeyb gashay caleemo saarka madaxweynaha Galmudug

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo