Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayiday Qaraarka habraaca la-dagaallanka musuqmaasuqa ee maanta kasoo baxay Golaha Wasiiradda xukuumadda.
Qoraal Luqada Ingiriiska lagu qoray oo loogu talogalay Beesha Caalamka iyo War-saxaafadeed ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha amray dhaqan gelinta qaraarka Golaha Wasiirada.
“La-dagaallanka musuqmaasuqu wuxuu shardi u yahay horumar waara iyo Soomaliya loo siman yahay. Waxaa naga go’an inaan dhisno hab daah-furnaan iyo isla xisaabtan, oo u adeega dhammaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Dowlad dhiska, amniga iyo dadaallada horumarinta dhaqaale ee Soomaaliya waxay taagan yihiin marxalad muhim ah . Si dadaalladan guul looga gaaro waa in la hubiyo dowladnimo ku dhisan la xisaabtan. U hogaansanaan la’aanta bareerka ah ee awaamiirtan waxay keeni doonta cawaaqibta tallaabo sharci ah” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale go’aana Golaha Wasiirada oo isna lagu qoray Luuqada Ingiriiska ayaa lagu faafiyay Baraha bulshada, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo ay soo baxene eedo ku saabsan musuq ka dhex jira dowladda Federaalka.

