Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar kale ku jooga dalka Turkiga kadib markii uu shir uga qeyb galay dalka Urdun. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka qeybgeli doono  shir  lagu dhiira gelinayo nabadgelyada caalamka iyo xus loo sameynayo  guushii ciidammadii Turkiga ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii koowaad ee Adduunka.
Xasan Sheekh  iyo qaar ka mida  madaxda Caalamka  ayaa lagu wadaa inay  ka qeybgalaan shirka  iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta Khamiista ee beri oo ku began 23-ka bisha April 2015.
Madaxweynaha waxaa la socda Xubno  ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waana dalkii labaad ee uu booqdo iyadoo la filayo  inuu sii wado socdaalkaasi oo arrimo caafimaadna u tago dalka Mareykanka.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa isna safar kale dibadda ugu maqan isagoo tegay dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxaana caadi noqotay inay mar waliba labadan mas;uul dalka ka wada maqnaadaan mar kaliya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]