Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu faragelin ku sameeyay muranka hareeyay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo magaalada Jowhar ka furmay balse hakad ku jira kadib markii beelo badan ay qaadaceen qaabka loo qeybiyay odayaasha soo xulaya ergooyinka shirka.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu kulamo la yeeshay beelaha kala duwan ee ka cabanaya wasiirkiisa arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa si xal loogu helo dhibaatada ka dhalatay odayaasha beeelaha loo qeybiyay, waxaase lasoo weriyay inuu madaxweynuhu xubno ka jaray beeshiisa Abgaal oo cabasho ugu tagtay, taasoo ka careysiisay odayaashii beesha.
Xasan Sheekh aya la sheegay inuu Beesha Abgaal oo wasaaradda arrimaha gudaha ay u qoondeysay 15 oday uu ka reeba laba oday si loogu qanciyo beelaha cabanaya, waxaana arrintaasi ay keentay isku dhac hor leh oo madaxweynaya beeshiisa soo dhex galay, iyadoo aanay jirin beel ku qanacsan qeybta Odowaa marka laga reebo 3 beelood oo aan degaan ku lahayn labada gobol, balse loo hibeey xubno odayaal ah.
Wadani.com