Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray Magaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar duleedkeeda ku yaala, waxaana halkaasi uga hortegay mas’uuliyiinta gobolk Shabeelaha Dhexe iyo dadweyne.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ee magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo IGAD ay gacanta ku heyso.
Hoolka shirka ayaa la diyaariyay, iyadoo la filayo inuu khudbad u jeediyo madaxweynaha ergada iyo odayaasha ku sugan magaalada Jowhar.
Wadani.com