Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda magaalo aan ahayn Kismaayo, iyadoo laga sugayay inuu furo shirka Madasha Qaran ee wadatashiga, waxaana la sheegay inuu maalinta Beri ah ku wajahan yahay magaalada Jowhar.
Xasan Sheekh ayaa magaalada Jowhar ka furi doona shirkii mudadda dheer la sugayay ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana magaaladaasi ku qulqulaya mas’uuliyiin, waxgarad, ergooyin iyo ciidamo.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha kadib furitaankiisa shirka Jowhar uu tegi doono magaalada Kismaayo oo hadda ay ku sgan yihiin madaxda maamulada dalka iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ay wehliyaan wakiilada beesha caalamka.
Guddoomiye Jawaari oo qaadacay ka qeybgalka shirka Kismaayo ayaa rajo laga qabaa inuu shirkaasi ku biiro oo lagu qanciyo.
Wadani.com