Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xus u ah Saxafiyiinta Muqdisho [Sawirro]

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xus u ah Saxafiyiinta Muqdisho [Sawirro]

    November 2, 20165 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mogadishu, 02 November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay bahda warbaahinta ka hor dabaaldega maalinta caalamka ee loo asteeyey ka hortagga dembiyada lagula kaco suxufiyiinta.

    Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey suxufiyiinta Soomaaliya in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay in dambiilayaasha gacanta lagu soo dhigo oo la horkeeno sharciga. Madaxweynaha ayaa ammaanay dadaalka natiihurista ah ee suxufiyiinta oo ay bulshada Soomaaliyeed ku gaarsiinayaan wararka, iyo akhbaaraadka dunida.

    Xalay ayuu Madaxweynahu casho sharaf suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada kuna dhiiri geliyey inay dadaalkooda sii labo jibaaraan oo ay bulshada gaarsiiyaan horumarka iyo wadan jaceylka. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay madaxda suxufiyiinta Soomaaliyeed isla markaasna soo dhoweeyey talooyinka muhiimka ah oo ay u soo jeediyeen.

    Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Qaraar tirsigiisu yahay A/RES/68/163 ay ka soo saareen kulankoodii 68aad ee 2013kii oo ay maanta oo kale 2da November u asteeyeen “Maalinta Caalamka ee lagu joojinayo in dambiilayaasha suxufiyiinta ay noqdaan kuwo aan cadaalad la horkeenin” “Maanta oo kale iyo kulankii suxufiyiinta waa calaamad xoogan oo muujineysa sida ay Dowladda Federaalka uga go’antahay muhiimada ololaha si dambiilayaasha suxuufiyiinta loo hor keeno cadaalada iyo sida ay Dowladdu uga go’antahay inay dhaqangeliso dhaqanka isla-xisaabtan la’aanta oo qof dil u geystay qof kale uusan baxsan oo cadaalada la horkeeno.

    Sidaas daraadeed, waxaan ka codsanayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso sida hay’adaha caalamka ee kaalmeeya warbaahinta Soomaaliya, Dowladda Federaalka Hay’adaheeda kala duwan iyo warbaahinta Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo waajibaadkooda u guta si hufnaan leh, aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay, dhexdhexaadna ah, isla markaasna ay si wadaninimo ah iyo waddan jeceyl ay waxii danaha Qaranka iyo amniga ah ee dalka u horumarin lahaayeen. “ Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

    Mohamed Ibrahim Moalimuu, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Mahir Jama Aden, Guddoomiyaha NUSOJ iyo madaxda ururada warbaahinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay horumarka, caqabadaha iyo tabashooyinka suxufiyiinta Soomaaliyeed iyagoona soo jeediyey talooyin muhiim ah sidii loo wada shaqeyn lahaa. Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey talooyinkaas isla markaasna Wasiirada Warfaafinta iyo Amniga oo kulanka joogey faray dhaqangelinta talooyinkaas iyo in hay’adaha Dowladda iyo Suxufiyiinta ay yeeshaan wadashaqeyn si suxufiyiinta ay howlahooda u gutaan.

    Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa ku shaqeeya daruufo adag oo ay yihiin naftood hurayaal ku soo shaqeeyey xilligii dagaalada sokeeye. “Haddii aysan jirin suxufiyiinta Soomaaliyeed, dalku ma gaareen horumarka ballaaran ee dhanka amniga, isla xisaabtanka, iyo horumarka guud.” Ayuu yiri Madaxweynahu “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal, waana inaan badbaadinaa isla markaasna aan dadaal walba u galno sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha dila suxuufiyiinta.” Ayuu yiri Madaxweynahu

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan marnaba gorgortan ka galeynin in suxufi la dilo ka dibna shaqsigaas uu si xor ah dibeda u joogo isagoon cadaalada la marsiinin. Dowladdu waxey qaadatay tallaabooyin geesinimo leh si loo badbaadiyo suxufiyiinta isla markaasna dilayaasha loo horgeeyo cadaalada. Dowladdu waxey dil toogasho ah ku fulisay dambiilayaal ka badan 4 oo dil u geystay suxufiyiin. Hasan Hanafi Haji oo ahaa shaqsigii Al-Shabaab wakiilka uga ahaa dilalka suxufiyiinta ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii cadaalada la horgeeyey oo maxkamadu ay ku fulisay dil toogasho ah. Tani waa wax cad oo tusaya doorka Dowladda ay ku taageereyso suxufiyiinta oo qof walba oo danbi u geystana la horgeynayo cadaalada oo uusan jirin shaqsi ka sareeya cadaalada.

    Hay’adaha amnigu waxey sameeyeen baaritaano ku aadan dhammaan falalka loo geysto suxufiyiinta, Booliska Soomaaliyeedna wuxuu wadayaa sidii baaritaanadaas loo sii joogteyn lahaa. Hase yeeshee dacwadahaas intooda badan ma gaaraan heer maxkmada loo gudbiyo sababo la xiriira markhaati la’aan iyo caddeymo la xiriira cida geysatay falalkaas oo goobta ka baxsata.

    Kooxaha argagaxisada ahi waxey ku mashquulsan yihiin dilalka suxufiyiinta si ay u aamusiyaan. Hase yeeshee Dowladda Federaalka iyo hay’adahaheeda kala duwan waxey ku mashquulsanyihiin badbaadinta suxufiyiinta iyadoo ay jiraan caqabado fara badan oo heysta dowladda sida aqoonta danbi-baarista oo u baahan khibrado heer sare ah si loo soo saaro shaqsi danbi geysta oo baxsada, iyo in markhaatiyaasha aysan diyaar u aheyn inay warbixino siiyaan hay’adaha dowladda.

    Si kastaba, marwalba dowladu waxey mudnaan gaar ah siisaa amniga si suxufiyiinta ay u helaan fursad goob nabad ah oo ay ku gutaan waajibaadkooda muhiimka ah iyagoon wax cabsi ah ka qabin in argagaxisadu ay dhibaato u geysato.

    Xaalada aan ku suganahay darteedna, waxaa dhacday falal ay hay’adaha amnigu ku xiraan suxufi iyagoo markaas eegaya amniga guud ee Qaranka. Hase yeeshee dhacdooyinkaas marka la baaro dhamaan suxufiyiintaas waa la sii daayey, iyadoo dowladu ay cashar ka baraneyso sidii aysan dhacdooyinkaas dib ugu soo laaban, iyadoo la xoojinayo xiriirka suxufiyiinta iyo hay’adaha amniga.

    “Dowladda Federaalku waxey aad uga howlgashay sidii xiriir wadashaqeyn u dhex mari lahaa suxufiyiinta iyo hay’adaha dowliga ah oo Wasaarada Warfaafintu ay u xilsaarantahay. Waxaan sii xoojineynaa dadaaladas wadashaqeynta ah. Sidoo kale Wasaarada Warfaafintu waxey siisaa suxufiyiinta tababaro lagu kobcinayo xirfadooda shaqo iyo kuwo suxufiyiinta iyo hay’adaha amniga loo wada qabtay si kor loogu qaado wadashaqeynta.” Ayuu yiri Madaxweynahu

    “Waxaa intaas sii dheer inaan xeer Madaxweyne ku soo saaray Xeerka Saxaafada si loo dhaqangeliyo iyadoo dhowaan la dhisayo Golaha Saxaafada Qaranka oo madax-bannaan si ay u xaliyaan cabashooyinka khaladaadka ay galaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay noqon doonto wadamada caalamka ugu horreeya dhanka saxaafada oo weliba dastuurkeena qodobka 18aad uu qeexayo in shaqsi walba uu xaq u leeyahay inuu cabiro ra’yigiisa iyo fikirkiisa iyo inuu helo akhbaaraad iyo warar” ayuu Madaxweynahu ku soo gabogabeeyey

    Dhammaad—

     

    saxaafad-1saxaafad-2saxaafad-3saxaafad-4

    Muqdisho Saxafiyiinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAAHFAAHIN: Maxaa ka jira in Xildhibaan C/samad & odayaal la socday oo lagu weeraray degaanka Godinlabe
    Next Article Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & Dableydii dilka geysatay oo la qabtay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo