Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusii jeeda Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, isagoo safarkiisii ugu horeeyay ku tegaya intii dib loo doortay.
Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Garowe, iyadoo ay kusoo dhoweeyeen wasiiro ka tirsan xuuumadda Puntland.
Xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa xumaaday, kadib Doorashadii Madaxweynaha, taasoo ka dhalatay markii uu Xasan Sheekh ka baxay ballamadii siyaasadeed ee ololaha doorashada.
Xasan Sheekh ayaa diiday inuu ra’iisal wasaare u magacaabo Siciid Deni ama qof uu wato, wuxuuna sidoo kale magacaabay wasiiro aanu kala tashan Madaxweynaha Puntland, taasoo keentay in xaaladu kasii darto.
Safarka Xasan Sheekh ee Garowe ayaan la ogeyn in xal loogu heli doono saameyntii ka dhalatay Doorashadii Madaxweynaha iyo dhismaha xukuumadda Federaalka, dibna loogu soo celin doono xiriirkii wada-shaqeynta ee labada dhinac.
