Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wareegto ku magacaabay La-taliyeyaal cusub oo u qaabilsan Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.
La-taliyeyaasha cysyv ee caawa uu magacaabay Madaxweynah ayaa kala ah:
1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow: La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed: La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.
1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.