Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay La-taliyihisa Amniga Qaranka, kadib saacado markii uu la wareegay xafiiska.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa Xuseen Macalin Maxamed loogu magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka oo ka mida xilalka waaweyn Madaxtooyada.
Xuseen Macalin oo madax ka ahaa Mac-hadka Hiraal ayaa hore xilkan usoo qabtay, wuxuuna markii danbe ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila maamulkii Farmaajo.
Waa mas’uulkii labaad ee uu Xasan Sheekh magacaabo saacado gudahood markii uu xafiiska kala wareegay Farmaajo, waxaana uu sidoo kale magacaabay agaasimaha cusub ee madaxtooyada Qaranka Xuseen Maxamud Sheekh.

