Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii xarunta Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiiro iyo xubno ka tirsan labada gole. Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanak wuxuu Madaxweynaha ka qeyb galay 70-aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay, iyo shirar uu la yeeshay madax ay ka mid yihiin Ra’iisulwasaaraha dalka UK David Camaron.
Wuxuu kaloo ka qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay la dagaalanka kooxaha argagaxisada caalamka kaas oo uu soo qaban qaabiyo madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama.
Dhinaca kale Waxaa NewYork gaaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo isagu khudbadii Soomaaliya ka jeedin doona Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, arintaas oo labada mas’uul ay hore isula meel dhigeen.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]