Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu toddobaadkan socdaal kale ugu safro dalka Masar isagoo ay noqoneyso safaradii isugu dhowaa ee uu dal kaliya ku tago madaxweynaha intii uu xilka hayay isagoo dhowaan ka soo laabtay socdaalkiisii shanaad ee uu ku tago dalka Masar.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay toddobaadkan u anbabaxaan dalka Masar iyagoo halkaasi uga qeybgeli doonta shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhici doona magaalada xeebta badda cas ku taala ee Sharma’Sheekh 28-ka bishan Maarso. Xasan Sheekh ayaa isla magaladaasi uga qeybgalay dhowaan shirkii dhaqaalaha Masar oo muddo saddex maalmood ah socday, waana markii labaad muddo laba toddobaad gudahood ah oo uu tegi doono magaaladaas iyo dalka Masar.
[ad name=”HTML-2″]
Madaxda sare ee dowladda Federaalka sida madaxwenaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa howshooda ugu badan ay noqotay safarro dalalka dibadda ay ku tagaan oo qaarkood aanay wax dan ahi ugu jirin dowladda, waxaana safaradaasi ku baxa lacag fara badan oo qaarkeed ay deyn ahaan u qaadato dowladda iyadoo wasaaradaha dowladda ay dhaqaale la’aan shaqeynayaan muddo 4 bilood ah.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-7″]