Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ka degay xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga.
Socdaalka madaxweynaha oo imaanaya toddobaad ka yar shirkii IGAD oo magaalada Addis uga qeyb galay ayaa ujeedkiisa lagu sheegay martiqaad uu ka helay madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar.
Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo marti u noqda maamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo ay arrintaasina uga horeeyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo dhamaan madaxda maamulada Soomaalida oo dhan.
Itoobiya ayaa siyaasad ahaan dooneysay inay Soomaaliya la mid noqoto maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana arirntan ay noqoneysaa taariikh madow oo uu galay madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu doonayo in dib loogu doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Wadani.com