Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka Covid-19 markii uu maanta kasoo laabtay safarkii dalka Imaaraadka Carabta.
“Muwaadiniinta.. Waxaan jeclaan lahaa in aan idin ogeysiiyo in maanta la iga helay cudurka COVID-19. Ilaa hadda, ma hayo wax calaamado ah, laakiin waxaan sii wadi doonaa inaan is karaantiilo, haddana u adeego dadka Soomaaliyeed. Waxaan dhamaanteen waydiisanayaa in aan is ilaalino inagoo raacayna talada iyo tilmaamaha caafimaadka bulshada”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shekeh oo farriiin soo dhigay Baaha bulsahda.
Qaar ka mdia wafdiga madaxweynaha u raacay dalka Imaaraadk ayaa hore looga helay cudurka Covid19, taasoo keentya inuu dib u dhaco socdaalkii Imaraadka oo laba berri loo qorsheeyay.
Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay in baritaanka lagu sameeyay madaxweynaha, laga helay maanta ee aanay jirin in hore looga helay, balse ay jireen xubno ka tirsan wafdiga in lag helay cudurka Covid19.