Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay socdaalkiisii magaalada Jigjiga ee Kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.
Safarkan oo dood badan hareysay ayaa waxaa ujeedadiisa soo shaac bixisay Wadani.com isagoo ku saabsanaa kulamo qarsoodi ah oo madaxweynaha halkaasi kula yeelanayay saraakiisha Milateriga Itoobiya.
Akhri: KASHIFAAD: Qorshaha qarsoon ee Madaxweyne Xasan Sheekh u tegay Magaalada Jigjiga
Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Jigjiga wuxuu kulamo la yeeshay madaxweynaha Kilinka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar iyo qeybaha bulshada inta la shaaciyay, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay magaaladaasi.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo saraakiil milateri, waxaana lagu wadaa inay maanta dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.
Wadani.com