Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo uu yahay socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku tago Puntland kadib doorashadiisiii 16 May 2022.
Soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe kusii dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.
Soo dhoweynta madaxweyne Xasan Sheekh loogu sameeyay magaalada Garoowe ayaa isbedel lagu sameeyay, iyadoo hoos loo dhigay qaabkii hore loogu soo dhoweyn jiray madaxweynayaasha federaalka.
Waxaa meesha laga saaray hab maamuuskii sare sida Salaantii ciidanka siin jireen Madaxweynaha iyo kulankii koobnaa ee VIP-da Garoonka oo ay Warbaahinta kula hadli jireen, madaxweynaha iyo kan martida loo yaqan, waxaana sidoo kale meesha laga saaray dadkii isugu soo bixi jiray Barxadda Garowe oo madaxda tagta lagu marxabeyn jiray.
Arrimahan oo dhan ayaa loo maleynayaa inay sabab u tahay xiriirka sida weyn hoos ugu dhacay ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni (Halkan ka Akhriso).
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mida:, Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.


