Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray xaaladda Doorashad 2016 [AKHRISO]

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray xaaladda Doorashad 2016 [AKHRISO]

    September 21, 2016Updated:September 21, 20162 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha oo mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka iyo habraaca doorashada 2016-ka

    Muqdisho, 21 September 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016 ee la filayo in dhowaan ay dalka ka dhacdo, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda musharixiinta iyo hawlwadeenada doorashada.

    Xasan-sheekh

    “Waxaa lagu jiraa marxalad taariikhi ah oo lagu go’aaminayo aayaha siyaasadeed ee waddankeena muddo 47 sanno kadib. Si fursaddani ay u noqoto mid waxtar u leh dalka iyo dadka waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro habraaca doorashada ee ay horkacayaan guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay.

    Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25-keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30-keeda.

    Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuquuqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawl-wadeenada doorashada.

    “Dhowrista habraaca doorashada waxaa sal u noqonaya in la xurmeeyo hannaan kasta oo sax ah oo doorashada lagu suuragelinayo. Musharixiinta xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimoqraadiyadda iyo xorriyatul qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa na faraya in musharixiinta ay noqdaan kuwo si hufan, waddaniyad leh u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo qiimeynaya duruufaha dalku ku jiro iyo baahida loo qabo dar-dargelinta dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ka dhexeysa’’.

    Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhowaanahan soo gaarayey warar sheegaya inay jiraan musharixiin ololahooda doorashada ay carqaladeeyeen laamaha dowladda, waxaana Madaxweynaha oo ka jawaabaya eedeymahaasi uu ku tilmaamay inay yihiin dacaayado wax loogu dhimayo laamaha amniga iyo sumcadda musharixiinta.

    Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo laamaha amniga, haddana uu farayo in laamahaasi ay si buuxda u ilaaliyaan, isla markaana u dhowraan xuquuqda musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada farey inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada ay ku najixi lahayd.

    ————–DHAMMAAD————-
    Daud Aweis
    Afhayeenka Madaxtooyada
    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

    Doorashada 2016 Top Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTOOS U DAAWO: Dacwadda Badda ee Somalia vs Kenya [Jawaabta Kenya]
    Next Article SAWIRRO: Gaari lagu qarxiyay magaalada Muqdisho & Qasaaraha uu geystay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo