Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war ka soo saaray weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho isagoo in shacabka iyo dowladda aanay marnaba isku dhiibi doonin argagixisada.
Madaxweynaha wuxuu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarka.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen dadkii soomanaa ee galabta ay argagixisada ku laayeen Hoteelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixiso ee galabta dhacay.
Wadani.com