Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Doorashada 2016 [Farriimaha Doorashooyinka]

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Doorashada 2016 [Farriimaha Doorashooyinka]

    August 18, 2016Updated:August 18, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay war uu  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kasoo saaray xaaladda Doorashada ee dalku geli doono, isagoo tallooyin kala duwan siiyay, shaqaalaha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo ciidamada amniga.


    Madaxweynaha oo baaq ku aaddan doorashooyinka u diray shacabka Soomaaliyeed

    Muqdisho, 17 August 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku aaddan doorashooyinka 2016-ka dhacaya u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in waddanku uu ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowladda inay dardar-geliyaan fulinta waajibaadkooda.

    “Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan shaqaalaha dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag, haddana aan marnaba ka daalin inay qarankooda si daacad ah ugu adeegaan. Waddanku doorashooyin ayuu dhowaan gelayaa, guddiyo iyo hay’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona. Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsanayaa inaaney siyaasadda iyo arrimahan doorashooyinka ku mashquulin, balse ay waqtigooda geliyaan dhismaha dalka iyo u adeegidda shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda farey inay ilaaliyaan hantida qaranka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqey hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintooda uga qaataan sugidda amniga ee marxaladda kala guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee dalka.

    ‘’Marka laga soo tago waajibaadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan kaalin ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa odayaasha dhaqanka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sannadkan doorashada dhacaysa ay ka yara sareyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Odayaasha waxaan ugu baaqayaa inay hannaankan fududeeyaan, guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan’’.

    Waxaa uu Madaxweynaha dhanka kale dardaaran u diray guddiyada doorashada ee heer federaal, heel maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.

    “Guddiyada doorashada dadban ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabka iyagoo caddaalad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Soomaaliya waajibaad ayay idin saartey, waxayna idinka sugeysaa inaad waajibaadkaasi sida ay tahay aad u gudataan. Madaxda dowlad goboleedyada, iyaguna waxan farayaa inay amniga iyo tas-hiilaadka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorashada gacan buuxda ka geystaan’’.

    Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku ammaaney beesha caalamka doorkeeda ay ku taageerayso doorashooyinka, isagoo ka codsadey inay waqtiga ugu habboon ku soo dhameystiraan tas-hiilaadka ay horay u ballanqaadeen ee doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya.

    ———————-DHAMMAAD———————
    Daud Aweis
    Afhayeenka Madaxtooyada
    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    Email: [email protected]

    Doorashada 2016 Fariinta doorashada Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXiriirka Xasan Sheekh & C/kariin Guuleed oo mugdi soo galay [Kulan dhex maray Sheekh Shariif & Guuleed]
    Next Article Orodyahan Somali-Mareykan ah si la yaab leh ugu gudbay Fiinaalka tartanka 5000 Mitir [IAAF go’aan gaartay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo