Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Madaxweyne Xasn Sheekh oo laalay muddo kordhintii Guddiyada Doorashada iyo Xuduudaha

    Madaxweyne Xasn Sheekh oo laalay muddo kordhintii Guddiyada Doorashada iyo Xuduudaha

    November 21, 2022Updated:November 22, 20222 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajinta sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen inay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka KMG ah uu tilmaamayo.

    Wareegtada Madaxweynaha ayaa meesha ka saareysa muddo kordhin loo sameeyay Guddiyada Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Xuduudaha iyo Federaalka oo waqtigoodu uu sidaa ku noqonayo mi dhacay.

    Waxa kaloo dib loogu noqonayaa Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

    HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA:

    MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;

    MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

    Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;

    1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

    2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

    3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.

    Guddiga Doorashada Somalia Top Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiyaal-weero Dib u soo noolaaday iyo Wiil dhalinyaro oo ay ku dileen xaafad ka mida Muqdisho
    Next Article Dabley Muqdisho ku dishay Musharax la tartamay Xildhibaan Caan ah oo ka tirsan Golaha Shacabka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo