Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa faahfaahin ka bixiyay Qaraxyadii Gaalkacyo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in qaraxyada loola dan lahaa in lagu dilo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland oo xarunta la qarxiyay shir kula lahaa maamulka Dowladda Hoose, wuxuuna magacaabay wasiiro iyo wasiiro dowleyaal.
Wuxuu kaloo beeniyay in qofka is qarxiyay ay ahayd haweeney, wuxuuna sheegay isagoo caddeeyay inay arrintaasi jirin.
DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA
Wadani.com