Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa goor dhoweyd kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Waa madaxweynihii saddexaad ee Muqdisho u yimaada ka qeybgalka shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka, kasoo uu hormuud ka yahay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddiga xukuumadda u saartay soo dhoweynta madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Xasan Xundubey, xildhibaanada labada gole iyo qeybaha bulshada oo saf ugu jiray gudaha Garoonka Aaden Cadde.
Waxaa hore Muqdisho u yimid madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug Axmed Qoorqoor iyo K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, iyadoo Galabta la sugayo madaxweynaha Puntland.
