Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo madax ka ah Guddiga sare ee fulinta Midowga Afrika u qaabilsan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
waxaa garoonka m,agaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya,, waxaana la sheegay inuu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo madaxda dalka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegay in Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee K/Afrika uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi oo ay wadahadal halkaasi kula soo yeesheen.
Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Thabu Mbeki iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen arrimaha nabadda, xasilloonida, is dhex galka iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika, arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan, iyadoo aan la ogeyn waxa dhabta ah ee Guddigan u yimid Muqdisho.
Kenya ayaa dadaal ugu jirtay in xal ka baxsan Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ loo heloi dacwadda Xuduudka Badda ee ka dhaxeysa Somalia iyo Kenya, iyadoo Midowga Afrijka lagu riixay inuu arrintan waanwaan ka galo.