Maxkamad ku taalla dalka Suan Madaxweynihii hore ee Suudaan ee dalkaasi xukun ku riday, iyadoo xiligii lagu dhawaaqi lahaa xukunka ay maxkamadda hareysat qeylo iyo buuq ka yimid taageerayashiisa.
Gen. Cumar Xasan Albashiir ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, iyadoo la sheegay in lagu heyn doono xarun dhaqan-celint qaabislan aanu geli doonin xabsi. Madaxweynaha hore ee Suudaan oo xukunka looga tuuray kacdoon shacbi ayaa lagu helay Kiis musuqmaasuq ah, kadib markii lacag gaareysa $25 milyan oo Dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan.
Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan, laakiin waxaa jira dembiyo kale oo loo heysto
Taageerayaasha Alsahbaab ayaa ku qeylinayey in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, iyadoo mrkaas kadib uu Garsooraha amar ku bixiyey inay ka baxaan maxkamadda gudaheeda.
“Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,” ayuu yiri garsooraha go’aanka gaaray Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo inta ku daray: “Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.”