Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor yimid go’aan ay beeshiisa kalsoonida ugala noqotay dowladda Farmaajo.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa FB ayuu ku sheegay inaysan jirin magaciisa adeegsan karta isagoo maqan ama jooga, isla markaana uu si buuxda u taageersan yahay dowladda Soomaaliya
AKHRI QORAALKA SHARIIFKA
Anigoo ah Shariif Sheikh Axmed ahna madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya waxaan shacbiga Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aanan wax war ah ka heyn shirka la sheegay in uu ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana lagu aheegay in looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya.
Ma jirto koox ama reer magaceyga u isticmaali karta anigoo maqan iyo aniga oo jooga go’aanno shaqsiyaad ay gaareen wax wakaalad ahna aan iga heysan.
Ugu dambeyntii waxaan bulshadeyda u xaqiijinayaa inaan si buuxda oo shuruud la’aan ah u taageersanahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna waajib nagu tahay inaan taageerno oo gacmaha aan is qabsanno si dalkeena aan u badbaadinno.
Mahadsanidiin
Warkan cad ee Sheekh Shariif ayaa ka danbeeyay shir ay maanta Muqidsho ku yeesheen beesha uu kasoo jeedo oo ay shaaciyeen inay kalsoonidii kala laabteen dowladda.
Wadani.com