Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kana mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif oo tan iyo intii uu ku guuldarreystay doorashadii madxaweynaha dhowr mar yimid Muqdisho ayaa kasoo dhoofay magaalada Nairobi.
Ciidamo fara badan oo sugaya ammaanka Sheekh Shariif ayaa kasoo gelbiyay garoonka Muqdisho, waxaana hore loo shaaciyay in dowladda Federaalka uu ka qabanayo xilka guddoomiya guddiga Qaran ee dib u heshiisiinta.
Sheekh Shariif ayaa wararka qaar sheegayaan inuu sadhigiisu noqon doono caasimadda Soomaaliya markii uu muddo isaga gooshayay magaalooyinka Kampala, Nairobi iyo Dubai.