Madaxweynihii hore Xasan Shekeh Maxmauud ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo, Doorashada iyo khilaafka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.
Muuqaal uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladda dalka ku sugan yahay, wuxuuna si toos ah u taageeray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo ku boogaadiyey doorkii uu ka qaatay hirgelinta doorashada iyo inuu ka hortago dhiig ku daata Muqdisho.
Wuxu ku eedeeyya Farmaajo inaysan qorshaha ugu jirin wax doorasho ah, laguna qanci karin waxa uu wado “Talada aan siinayo Farmaajo iyo saaxiibadiis waa inaysan Soomaaliya uga darin, haddii aysan Soomaaliya ka fekereynin waa inaad ka fekertaan mustaqbalkiina..” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Wuxuu ugu baaqay Farmaajo inuu garab istaago qoyska Ikraan Tahliil oo damiirkiisu shaqeeyo, kiiskaasina uu yaallo maxkamad sharci ah oo milateri, ayna qoyskaasi mudan yahay inay cadaalad helaan.
HOOS KA DAAWO
