Madaxweynihii hore, ahna musharax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin uu soo duubay uga hadlay xaaladda dalku marayo iyo Doorashada socota.
Wuxuu faahfaahiyey heerkii ay soo martay dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka ay gaareysay xilli kasta, haddana loo baahan yahay in wixii hore la iska iloobo oo hore loo socdo.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in 40-ka maalmood ee loo qabtay Doorashada ay ku dhici karto, ayna suuragal tahay haddii ay Doorashada la qaban waayo in la waayo wixii horumar ahaa ee 8 sano la gaaray.
“Waddada kaliya ee maanta badbaadin karta dowladnimadeena waa doorasho daah furan. Waxaan ku baaqayaa in laga gudbo dhammaan khilaafaadka oo si niyad sami ah loo garab istaago mas’uuliyiinta ku howlan hirgelinta doorashada”. ayuu yiri Xasan Sheekh.
Wuxuu ka digay inay mar kale dib u dhacdo ama ay xumaato Doorashada, taasoo keeni karta inay Soomaaliya ka dhacaan wixii ka dhacay sida dalalka ay doorashada ka xumaatay ee Afghanistan, Ciraaq iyo Liibiya.
Musharax Xasan Sheekh ayaa rajo ka muujiyey Doorashada dib loo saxay, isla markaana lagu qaban doono xilligeeda, wuxuuna madaxda Soomaalida ka dalbaday inay fuliyaan ballanqaadyadooda.
