Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo Xal 2 Qodob ka kooban u jeediyay Madaxda & Xildhibaannada Soomaaliya [Akhriso]

    Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo Xal 2 Qodob ka kooban u jeediyay Madaxda & Xildhibaannada Soomaaliya [Akhriso]

    March 31, 2018Updated:March 31, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u soo diray xildhibaannada iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee khilaafka siyaasadeed soo dhex galay.

    Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo diray ku soo bandhigay laba hab  oo loo mari karo xalinta khilaafka jira, isagoo ka hadlay khibradiisa waayo-aragnimo ee mooshinadda.

    HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XASAN SHEEKH 

    Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha diwladda Soomaaliya. Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

    Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda. Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin:

    1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaan jiray kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.

    2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

    Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka, laxa jeclo badanna ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

    1. In la muujiyo dulqaad iyo tanasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.

    2. Haddii ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo’e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanu taagneyn.

    Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibaato la baajin karo.

    Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.

    Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo

    Baarlamaanka Jawaari Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO: Farriin & Baaq Culus oo uu soo diray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed
    Next Article Xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay inay Amar ku bixisay Daminta adeegga Internetka ee Muqdisho [Sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo