Madaxweynihii ugu horeeyay maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa hambalyo u diray, soona dhoweeyay madaxweynaha cusub ee la doortay.
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay doorashadani mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku guuleystay doorashadii ku soo gabagabowday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waana saaxiib aan aad u garanayo oo howl kar ah” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa dhinaca kale ku ammaanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyinka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujineysa mas’uuliyad iyo tanasulka uu sameeyay.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa intooda badan u ololeeyay in dib loo doorto madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Wadani.com