Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay madixii Amniyaadka Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Amniga xukuumadda ayaa sheegtay in madaxa Amniga Alshabaab ninka lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed, kuna magac dheeraa Ciise Trabuun oo la sheegay in lagu qabtay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Ciise Tarabuun, iyadoo hay’adaha ammaanka ay baaritaan ku hayaan.
Howlgalka ka dhacay Suuqa bakaaraha ayaa la sheegay inay ciidamada ammaanka fuliyeen maanta.
Wadani