Madixii Canshuuraha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho oo maxkamad ay u jartay in la xiro ayaa sheegay inuu ka war hayo waxa ka dhacay Galabta xafiiskiisa, iyadoo shaqaalihii xafiiskaasi xabsiga loo taxaabay.
Madaxa Canshuuraha dekadda Muqdish Axmed C/llaahi Samow ayaa sheegay inuusan baxsad ahayn isla markaana wixii sharci ah uu diyaar u yahay, maadama uu yahay mas’uul ay soo magacawday dowladda Soomaaliya oo xil qaran haya.
“Maanta Gelinkii danbe waxaan ka war helay inay ciidan Boolis ah tageen xafiiskeyga ayna kaxeysteen ku xigeenkeyda iyo shaqaalaha xafiiska… Anigu baxsad ma ahi.. waa ka weynahay inaan baxsado, waxaa xaq la igu leeyahay in la igula xisaabtamo..” ayuu yiri Mudane Samow.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Axmed C/llaahi Samow uu tegay caawa xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu xiray, isagoo ku biiray shaqaalaha Canshuuraha Dekadda Muqdisho ee kiiska musuqa ah loo heysto.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA
Wadani.net