Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in koox Bistoolado ku hubeysnaa ay Caawa magaalada Gaalkacyo ku weerarreen Madaxii howlgaladda Ciidamada isku-dhafka ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Col. Khaliif Nuur Shiil.
Korneylka ayaa waxaa rasaas ku furtay koox dabley ah oo ku sugeysay Masjidka agtiisa, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee magaalada Gaalkacyo. Waxaaa dhaawiciisa loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada oo lagula tacaalay, iyadoo la sheegay inuu markii danbe ku geeriyooday.
Laba dhalinyaro ah oo falkan geystay ayaa baxsaday, waxaana ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ay howlgal ka sameeyeen agagaarka goobta uu falku ka dhacay.
Col. Khaliif Nuur Shiil ayaa si weyn loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay xasilinta magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidamada isku dhafkaa ee uu hoggaaminayay isku dhafay maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo ay taageerto Q/Midoobay.