Doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta dhacday Muqdisho ayaa lagu doortay mas’uul ka tirsan madaxtooyada Villa Somalia.
Madaxii Cunto-kariyeyaasha Villa Somalia Kooke Sare C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleystay kursiga Beeshiisa ee Aqalka hoose.
Mudane C/raxmaan ayaa ku tartamayay kursiga beesha Habar Awal, Sacad Muse – Makahil, wuxuuna ku guuleystay codad dhan 36 sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada heer Federaal.
Doorashada mas’uulkan ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii kordhineysa xildhibaanada taageersan hogaanka madaxtooyada Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com