Madixii Daacish ee gobolka Baay iyo xubno la socda ayaa gacanta lagu dhigay sida ay shaaciyeen ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala magaalada Baydhaba.
Sarkaalka la qabtay ayaa la sheegay inuu yahay madixii ugu sareeyay Kooxda Daacish u qaabilsanaa Gobolka Baay. Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Gaaboow.
Waxaa kaloo la socday oo la qabtay saddex maleeshiyo, iyadoo lagu soo bandhigay maanta magaalada Baydhabo.
Kooxda Daacish ee Soomaaliya ka howlgasha ayaa weli ah koox aad u yar oo aan awood lahayn, waxayna ka go’day kooxda Alshabaab oo lafteeda dagaal culus ku qaaday isla markaana khaarijisay xubno isku dayay inay ku biiraan.
Ma jirto cid xaqiijin karta arrintan, waxaase hore loo shaaciyay in xarun ah lahaayeen Daacish ay ciidamada milateriga Soomaaliya ku burburiyeen gobolka Shabeelaha Hoose.
Wadani.com