Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka horyimid qaabka dowladda Federaalka ula macaamishay khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug.
Isagoo ka hadlayay warkii ay xukuumadda Soomaaliya ku taageertay xildhibaanno xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayuu sheegay inay khalad ahayd inay daqiiqado kadib taageerto.
Dalka Qatar ayuu sheehay inuusan aqoon meel uu ku yaallo, ayna ogyihiin oo kaliya inay qaadatay nin shido ka abuurtay degaanada Puntland oo lagu magacaabo (Sheekh) Atam oo ay dalkeeda ku biisho.
Wuxuu ammaanay Sacuudiga iyo Imaaaadka Carabta oo uu sheegya inay u qabteen shacabka Puntland , ayna shirkadda DP ee Imaaraadka ay dhiseyso dekadda Boosaaso.

DHAGEYSO C/WELI GAAS