Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay laba nin oo ku eedeysnaa fal kufsi ah.
Wararka laga helayo Baydhaba ayaa sheegaya in laba nin ee la toogtay dhowaan ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada maamulka K/Galbeed, laguna eedeeyay inay kufsadeen wiil yar oo 9 sano jir ahaa, taasoo naxdin weyn ka dhalisay magalada, iyaguna ay qirteen.
Waxaa saaka lagu toogtay magaalada Baydhaba, sida uu shaaciyey Wasiirka Caddaaladda KoonfurGalbeed, Ilyaas Cali markii cadaaladda la waafajiyey.
