Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhisme hool weyn oo lagu sheegay inuu ka furmayo shirka maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, xilli aan lagu heshiin goobta uu ka dhacayo shirka iyo guddigii farsamada shirkaasi.
Dhismaha hoolka weyn ee ka socda Beledweyne ayaa la sheegay inay wadaan maamulka degmada B/weyne oo horeba u sheegay inay marti gelin doonaan shirka maamul u sameynta labada gobol iyadoo dhinaca kale maamulka Shabeelaha Dhexe uu isna dhinaciisa sheegayo inay Jowhar noqon doonta magaalada marti gelineysa shirka maamul u sameynta labada gobol.
Howlihii maamul u sameynta labada gobol ayaa hakad galay kadib markii uu soo shaac baxay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, waxaana dib u dhac ku yimid qorshihii wasaaradda arrimaha gudaha oo ahaa in 1-da September uu furmo shirka maamul u sameynta labada gobol.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]