Shir si degdeg ah loo qabanqaabiyay ayaa magaalada Beledweyne laga abaabulay saaka iyadoo la sheegay in lagu ansixinayo dastuurka maamul la baxay Hiiraan state oo loo dhisayo Gobolka Hiiraan.
Shirka oo ka dhacaya Baarka Xassan dhiif ee Magalaada Baladweyne ayaa dadkii kasoo qeyb galay loo qeybiyay dastuur, waxaana dadkii ka qeyb galay laga dhex waayay duubabkii Hiiraan ee ku sugnaa magaalada Beledweyne.
Dhammaan duubabkii ku haray magaalada Beledweyne oo diidanaa shirka Jowhar ayaa hadda isaga tegay magaalada oo gaaray Muqdisho, waxaana ku haray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la sheegay inuu ka cago jiidayo tegista shirka Jowhar oo uu hore u ogolaaday.
Ugaas Xasan ahaa saaka tegin shirka laga abaabulay Baarka Xasan Dhiif, waxaana ka dhex muuqday siyaasiyiin uu ka mid yahay C/llaahi Goodax Barre.
DAAWO SAWIRRO
Gooobjooge.com