Magaalo xeebeedka caanka ah ee Mombasa, dalka Kenya ayaa laga mamnuucay habeenkii xafladaha arooska, kadib markii madaxda magaaladaasi ay sheegeen in aroosyadu soo jiitaan dembiilayaasha.
Go’aankan ayuu sheegay Commissioner-ka magaalada Maalin Mohamed in la qaatay kadib markii ay si weyn u kordheen weerarada loo adeegsado Mindiyo oo kooxo burcad ah ay ku qaadayaan xafladaha aroosyada.
Amarkan ayaa si degdeg u dhaqan galay iyadoo wixii ka danbeeya 10-ka habeenimo aan la dhigi karin aroos, laakiin ciddii dooneysa xilligaas ka danbe ay waajib ku tahay inay iska diiwaan geliso saldhigyada Booliska oo ay bixiso lacag khidmad ah oo ciidamo gaara ay ilaalinayaan xafladda arooska.
Dhowaan ayaa la sheegay haween fara badan oo xaflado aroos ah ka qeyb galay la weeraray lagana qaatay wixii ay heysteen.
Wadani.com