Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in labada maalmood ee soocota loo xiri doono magaalada Muqdisho caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Maalmaha Talaadada ee beri iyo Arbacadad ayaa la sheegay in la xirayo wwadooyinka caasimadda iyadoo aysan jiri doonin wax dhaqdhaqaaq ah, o Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo dartiis.
Waxaa lagu wadaa in 22-ka Bishan ay magaalada Muqdisho ka dhacdo Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la doortay 8-dii Bishaan aan ku jirno, iyadoo ay ka soo qeybgeli doonaan madax ka tirsan dalalka deriska iyo dalalka Carabta.
Wadani.com