Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Magaalo laga guuray oo khilaaf cusub ka dhex dhalisay Madaxweynaha Turkiga, Mareykanka & Midowga Yurub

    Magaalo laga guuray oo khilaaf cusub ka dhex dhalisay Madaxweynaha Turkiga, Mareykanka & Midowga Yurub

    July 21, 2021Updated:July 21, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa qaatay mowqif culus oo uu ka qaatay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo jasiirada kala qeybsan ee Qubrus.

    Erdogan ayaa taageeray qorshe dib loogu dhisayo magaalo ay ka guureen dadka reer Qubrus ee Giriigga kasoo jeeda. Waxayna arrintan keenay inay si weynu cambaareeyeen madaxda Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub.

    Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa ku adkeysatay qorshaha uu ku doonayo dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha. Waaan magaalada laga dhigayaa magaalo nolol cusub la geliyo oo loo dalxiis tago.

    Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee Q/Midoobay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

    “Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

    Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Giriig ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara.

    Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari.

    Khudbadda Erdogan ayaa aad uga carreysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.”

    Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareysay qorshaha Madaxweyne Erdogan, wuxuuna Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” Qaraarada Golaha Ammaanka Q/M.idoobay

    “Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken.

    Cyprus Erdogan Greece Top Turkey
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Shuruudaha Musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamanka (Qodobka Lacagta aan dib loo celineyn)
    Next Article Jen. Biixi: “Saadaq Joon Ciidanka Federaalka kama tirsana, balse waa shakhsi dagaalka ku jira…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo