Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalad cabsi ay ka jirto Magaalada Hobyo ee dekadda ah kadib markii maleeshiyo Alshabaab ka tirsan ay qabsadeen magaalo xeebeedka Ceelhuur.
Alshabaab ayaa maanta la wareegay degaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug, halkaasoo ahayd meel aan muddo dheer u gacan gelin Alshabaab, iyadoo dadka ku nool ay iska caabiyeen.
Maleeshiyada Alshabaab oo wadata gaadiid dagaal ayaa galay magaalada Ceelhuur, taasoo keentay dadkii magaaladaasi deganaa ay ka barakacaan intooda badan. Waxaana la sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay laba jid ka galeen magaalada iyadoo soo maray Camaara.
Ciidamo huwan ah oo toddobaadkii hore tegay degaanka Camaara, kuwaasoo la sheegay inay Alshabaab ka xoreynayaan Xarardheere ayaa dib isaga noqday kadib iska hor imaad kooban oo dhex maray Alshabaab.
Xaaladda Hobyo ayaa degan, waxaana hawada laga saaray isgaarsiinta iyadoo la sheegay in laga cabsi qabo weerar ay Alshabaab ku qaadaan.
Maamulka Galmudug ayaan wax war ah kasoo saarin dhibaatada ka taagan Gobolka Mudug iyo fashilka ku yimid qorshihii huwanta oo hadda isu bedelay in Alshabaab ku sii jeedo Hobyo halkii laga xoreyn lahaa Xarardheere.
Wadani.com