Kadib saacado kooban oo uu socdo weerarka dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Reer Falastiin ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo baxaya qasaaraha weerarka gaadmada ahaa ka dhashay.
Howlgalka Xamaas ee ‘DUUFAANTA AQSAA’ ayaa ahaa mid lama filaan ah oo ku bilowday 5000 Gantaal oo lagu weerarray magaalooyinka Isaraa’iil, sida uu sheegay Taliyaha Garabka Milateri ee Xamas Maxamed Al-dayf, waxaana qasaare xoog leh gaaray magaalooyin dhowr ah sida magaalada Casqalaan oo dab xoog leh ka kacay.
Gantaalaha Xamaas ayaa gaaray intab adna magaalooyinka Yuhuuda oo ay ka mid tahay Tel aviv, waxaana shaqeyn waayey nidaamii difaaca gantaalaha Israa’iil, taasoo dhalisay qasaare badan oo gaaray Yuhuudda.
Weerarka xooggiisa wuxuu ka dhacay degaanada ku wareegsan Marinka Gaza, waxayna dagaalyahannada Xamaas burburiyeen Barihii Koontarool ee askarta Yuhuudda, iyagoo la wareegay ilaa 3 degaan oo Yuhuudda la dejiyay.
Sidoo kale waxay dagaalyahanadda Cisa-diin Alqasaam ee Xamaas qabsadeen Taangi ay leeyihiin ciidamada Yuhuuda, iyo maxaabiis ciidamo ah oo ay soo bandhigeen, kuna sheegaan 35 askari.
Waxaa kaloo muuqaallo lasoo bandhigay ay muujiyeen in weerarka Xamaas uu ahaa mid lama filaan ah, sida uu qiray Ra’iisal wasaaraha israa’iil Benyamin Netanyahum, iyadoo warbaahinta Yuhuudda ay waxa dhacay ku sheegtay fashil sirdoon iyo mid milateri.
Dagaallo culus ayaa hadda ka socda guud ahaan agagaarka Marinka Gaza, gaar ahaan degaanada la dejiyay Yuhuuda ee u dhow Marinka Gaza, waxaana tallaabada koowaad ee ciidamada Israa’iil hortaala ay tahay inay dagaalyahannada Falastiiyiinta ka saarto degaanada ay qabsadeen ee degaanada Yuhuudda.
Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Netanyahu ayaa qiray in dagaalka Xamaas uu ahaa lama filaan lagu soo kediyay, balse wuxuu ballanqaaday inuu dhoci doono dagaal aan hore loo arag oo lala beegsan doono Falastiiniyiinta, wuxuu intaas ku daray in dowladda Yuhuudda ay ku jirto xaalad dagaal.