Magaca Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya lagu sameystay barta twitter-ka aya jahawareer ku abuurtay diblomasiyiinta iyo weriyeyaasha, ku xiran wararka dowladda Soomaaliya.
Bartan oo la sameeyay isla markii la magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dad badan u qaateen mid run ah, iyadoo lagu soo bandhigay sawirrada kulamadii uu la yeeshay xildhibaanada.
Bartan ayaa dad badan ku xirmeen, waxaana markii dambe shaaciyay inay been abuur tahay mid ka mida saaxiibada la shaqeeya madaxweyne Farmaajo, kaasoo ogeysiiyay dadka in Ra’iisal wasaare Kheyre u sheegay in bartaasi tahay mid been abuur ah.
Xaaladda ayaa sii socotay, waxaana dhacday in diblomaasiyiin iyo madax sare ay bartaasi adeegsadaan uguna hambalyeeyaan Ra’iisal wasaaraha, waxayna jahawareer ku riday shaqaalaha madaxtooyada oo u waayay tabar ay ku xiraan.
Ra’iisal wasaaraha ayaa xiray bar uu ku laaa facebook, waxaana uu adeegsadaa barta rasmiga ah ee twitter-ka uu ku leeyahay Ra’iisal wasaaraha, iyadoo bartan ay tahay mid loo qoro sida inuu shaqsi ahaan u leeyahay Xasan Cali Kheyre.
Madax badan oo ka mida dowladda ayaa magacyadooda lagu sameystay baraha bulshada iyadoo ay noqotay caado dadka Soomaalida la soo baxeen.
HOOS KA FIIRSO
Wadani.com