Ninkii ka danbeeyay qarixii ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa la macgaabay.
Ninkan qaraxa isku soo xiray ayaa isku miidaamiyay xaflad faneed markii dhammaatay kadib, waxaana magaciisa lagu sheegay Salmaan Cubeydi.
Saraakiisha Mareykanka ayaa shaaciyay magaca ninkan, iyadoo booliska Ingiriiska aanu weli wax war ah kasoo saarin, waxaana ay sheegeen inay ninkan aqoon hore u lahaayeen oo lala socday.
Manchester Arena oo ah goobta falku ka dhacay waa fagaare weyn oo qaada dad dhan 21-kun qof, halkaasoo lagu qabto xafladaha waaweyn, waxaana halkaasi isugu tegay dad ubax dhigaya.
22 qof ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo 119 kale ay ku dhaawacmeen, waana weerarkii ugu xumaa ee lagu qaado Ingiriiska tan iyo sanadkii 2007.
Wakaalado