Magaalada Cadaado waxaa maanta ka bilaabatay wejiga labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.
Waxaa la doortay laba kursi oo ka mida aqalka hoose iyadoo la filayay in lix kursi lagu doorto fadhigii maanta.
Beesha Dir/Surre
Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleysatay Duniyo Maxamed Cali, kadib markii ay tanaasushay Haweeneydii la tartameysay, waxaana tartan la’aan codeyn gacan taag ah ku heshay musharaxa kaliya ee tartanka ku haray.
Beesha Mareexaan/Wagardhac
Kursiga Labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Shire Jaamac (Cayaar-jecel) oo ay la tartameyeen Saddex xubnood oo kale, isagoo helay 29 cod.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay in farsamo ahaan ay dib ugu dhaceen kuraastii kale ee la filayay in loo codeeyo, waxaana dib loogu dhigay maalinta berito.
Wadani.com